Min Preston North End ilaa Man City: Ogow Kooxaha Ku Guulaystay Horyaalka Premier League

Kooxda Man City ayaa si Rasmi ah ugu guulaystay horyaalka premier League xilli ciyaareedka 2017/2018 kadib markii ay Man United guuldaro lama filaan ah kala kulantay West Brom.

City ayaa horyaalka ku guulaystay iyada oo ay 5 kulan ka harsan yihiin dhamaadka xilli ciyaareedka iyada oo si Rasmi ah ugu dabaal degi doonta kulanka Axada ay garoonkeeda kula ciyaari doonto Swansea City.

Kooxda Pep Guardiola ayaa ku guulaystay horyaalkii 5-aad ee heerka 1-aad ee England iyada oo noqotay kooxdii ugu dambaysay ee hanata horyaalka.

Tan ilaa markii la bilaabay horyaalka heerka 1-aad ee England waxa ku guulaystay 26 kooxood oo kala duwan kuwaas oo qaarkood dhawr jeer ku guulaysteen.

Kooxda Man United ayaa ah kooxda ugu guulaysiga badan horyaalka England iyaga oo ku guulaystay 20 jeer, kooxda Liverpool ayaa ah kooxda ku xigta waxana ay ku guulaysteen 18 jeer.

Arsenal ayaa ah kooxda 3-aad ee ugu guulaysiga badan waxana ay ku guulaysteen 13 jeer halka kooxda Everton ku xigto oo ku guulaystay 9 jeer.

Astovila ayaa ku xigta oo ku guulaystay 7 jeer halka kooxaha chelsea iyo Sunderland ku guulaysteen min 6 jeer City ayaa ku xigta oo ku guulaysatay 5 jeer.

Kooxda Preston North End ayaa ah kooxdii ugu horaysay ee ku guulaystay horyaalka England iyaga oo ku guulaysatay sanadkii 1889 halka kooxda Man city noqotay kooxdii ugu dambaysay ee ku guulaysta gartanka kuna guulaystay 2018.

Kooxaha Ugu Guulaysiga Badan Tartanka:

Manchester United: 20

Liverpool: 18

Arsenal: 13

Everton: 9

Aston Villa: 7

Chelsea: 6

Sunderland: 6

Manchester City: 5

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada