Mido Oo Dabka Ku Sii Shiday Wararka Mohamed Salah La Xiriirinaya Real Madrid

Ahmed Hossam Hussein Abdelhamid oo kubad cagta looga yaqaano Mido ayaa ka hadlay xaalada xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed salah isaga oo qirtay in ay xiddiga ku raad joogaan kooxo waaweyn oo ay ka mid yihiin Real Madrid.

Xiddigii hore xulka Egypt ayaa aaminsan in mustaqbalka Mohamed salah uu yaalo Spain gaar ahaan kooxda Real Madrid.

“Real Madrid way jeceshahay waxa aan dhamaanteen wada aragnay qaab ciyaareedka liita ee Gareth Bale iyo Karim Benzema”ayuu Mido u sheegay King Fut.

“Waxa aan ka cabsi qabay in uu salah ku fashilmo Liverpool laakiin waxa aan u malaynyaa in uu haatanba qaab ciyaareedkiisa u qaaday heer kale”.

“Real Madrid way isticmaali kartaa xirfadiisa”.

Tan ilaa markii uu salah ku biiray Liverpool waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay 30 gool oo horyaalka La Liga ah.

Mido oo amaanaya xiddiga 25 jirka ah ayaa yiri” Waan ogahay in ayna dad badan igu raaci doonin laakiin fikir ahaantayda Mohamed salah ayaa ah xiddiga ugu fiican ee taariikhda Egypt”.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada