Maxa Iska Badalay Tartanka Loogu Jiro Gool Dhalinta Horyaalka La Liga

Xiddiga Barcelona ee Lionel Messi ayaa sii wata hogaanka gool dhalinta horyaalka La Liga isaga oo goolal raaxo leh ka horeeya xiddiga ay sida weyn u xafiiltamaan ee Cristiano Ronaldo isaga oo kaga faa,iidaynaya maqnaanshaha Ronaldo ee kulamada La Liga.

Lionel Messi ayaa ku hogaaminaya gool dhalinta 29 gool inkasta oo uuna wax gool ah dhalin kulankii ugu dambeeyay ee ay kooxdiisu guusha ka gaartay Valencia.

Ronaldo ayaa wali ka dambeeya Messi kadib todobaadkii 32-aad isaga oo seegay kulankii Malaga walina jooga 23 gool isaga oo 6 gool ka dambeeya Leo.

Dhanka kale xiddiga kooxda Barcelona ee Luis Suarez oo soo taabtay shabaqa kulankii Valencia ayaa kor ugu qaaday goolashiisa 23 gool xilli ciyaareedkan.

Xiddiga kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa isagu la goolal ah xiddiga Celta vigo ee Iago Aspas kuwaas oo wada leh 19 gool.

Cristiano Ronaldo ayaa 4 gool kaliya dhaliyay ilaa todobaadkii 19-aad ee horyaalka La Liga laakiin waxa uu dib u soo kacay qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka isaga oo 12 kulan ku dhaliyay 19 gool.

Halkan Hoose kaga Bogo Sida ay u kala sareeyaan 5-ta xiddig ee ugu goolasha badan:

  1. Lionel Messi: 29 gool
  2. Cristiano Ronaldo: 23
  3. Luis Suarez: 23
  4. Iago Aspas: 19
  5. Antoine Griezmann: 19

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada