Waxa si Rasmi ah loo xaqiijiyay wakhtiyada la ciyaari doono tartanka International Champions Cup ee ka dhici doona dalka Maraykanka ee ay kooxuhu isugu diyaarin doonaan xilli ciyaareedka dambe.
Kooxda Man United ayaa la ciyaari doonta kooxda Liverpool 28 bish July kaliya 2 todobaad kadib dhamaadka koobka adduunka Russia 2018 isaga oo ay labada kooxood ee sida weyn u xafiiltama ku wada ciyaari doonaan garoonka Michigan Stadium.
Waxa sidoo kale jira laba kooxood oo England ah oo ku wada ciyaari doona tartanka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub xilli Man City iyo Tottenham ay la ciyaari doonaan qaar ka mid ah kooxaha ugu awooda badan horyaalada yurub.
Tartanka ayaa bilaabmi doona 20 bisha July 6 maalmood kadib marka la ciyaaro finalka koobaka adduunka.
Kooxda Pep Guardiola ayaa ugu horayn la ciyaari doonta kooxda Borussia Dortmund kulan ka dhici doona caasimada Chicago taariikhdaas.
Laba maalmood kadib Liverpool ayaa isku tijaabin doonta kooxda reer Germany iyada oo uu Jurgen Klopp kooxdiisii hore la ciyaari doono.
Kulanka ugu horeeya ee Man United ayaa dhici doona July 25 iyaga oo la ciyaari doona kooxda reer Italy ee Ac Milan kulan ka dhici doona Pasadena.
Sidoo kale isla maalintaas Man city ayaa la ciyaari doonta kooxda Liverpool halka ay kooxda Tottenham la ciyaari doonto Roma, Dortmund ayaa hadana la ciyaari doonta Roma halka ay Juventus la ciyaari doonto Kooxda Bayern Munich.
Isla maalintaas kuna beegan 28 July Liverpool ayaa la ciyaari doonta Man city halka ay kooxda Man city la ciyaari doonto kooxda Bayern Munich kulan ka dhici doona Miami.
Tottenham ayaa la ciyaari doonta kooxda Barcelona kulan ka dhici doona Pasadena halka ay Benfica la ciyaari doonto Juventus kulan ka dhici doona Garoonka Red Bull Arena kulankaas oo wareega hore dhamaystiri doona.
July 31 Red Devils ayaa la ciyaari doonta kooxda Real Madrid kulan ka dhici doona Miami halka kooxda Tottenham la ciyaari doonto Ac Milan kulan ka dhici doona Minneapolis.
Halkan Hoose Kaga Bogo Taariikhda Kulamada International Champions Cup:
July 20
Man City v Dortmund: Chicago
July 22 Liverpool v Dortmund: Charlotte
July 25
AC Milan v Man United: : Pasadena
Man City v Liverpool : E Rutherford, NJ
Roma v Spurs : San Diego
Dortmund v Benfica : Pittsburgh
Juventus v Bayern Munich : Philadelphia
July 28
Man United v Liverpool : Ann Arbor
Bayern Munich v Man City : Miami
Barcelona v Spurs : Pasadena
Benfica v Juventus at Red Bull Arena
July 31
Man United v Real Madrid : Miami
Spurs v AC Milan : M:neapolis
Barcelona v Roma : Arl:gton, TX
August 4
AC Milan v Barcelona : Santa Clara, CA
Real Madrid v Juventus : Landover, MD
Real Madrid v Roma : E Rutherford, NJ