Liverpool & Napoli Oo Wada Ciyaari Doona Kulan Saaxiibtinimo Xagaaga & Wakhtiga La Ciyaari Doono Kulankaas

Milkiilaha kooxda Napoli ee Aurelio De Laurentiis ayaa xaqiijiyay in ay kooxdiisu la ciyaari doonto kulan saaxiibtinimo ah ka kor bilowga xilli ciyaareedka dambe.

Madaxweynaha Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisu ay la ciyaari doonto Liverpool 4 bisha August kulan saaxiibtinimo ah kulan ka dhici doona Dublin.

Milkiilaha kooxda Partenopei ayaa ka hadlayay qorshihiisa kooxdiisa ee kulamada saaxiibtinimooyinka wakhti uu waraysi siinayay Corriere dello Sport.

De Laurentiis ayaa shaaca ka qaaday in ayna kooxdiisu ka mid ahaan doonin tartamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka dambe ee xagaaga.

“Ma jiri doonaa tartamo saaxiibtinimo”ayuu yiri. “ilaa haatan waxa aan diyaarinay kulan saaxiibtinimo oo aan la ciyaari doono Liverpool 4 August kulan ka dhici doona Dublin”.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada