Lionel Messi Oo Rikoor Xun Ku Leh Garoonka Celta Vigo, Goorma Ayaa Ugu Dambaysay Gool Uu Ka Dhaliyo Garoonkaas?

Kooxda Barcelona ayaa kulan culus la ciyaari doonta kooxda Celta Vigo kulan ka tirsan todobaadka 33-aad ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa marba-marka ka dambaysa u sii dhawaanaysa hanashada horyaalka iyada oo 9 dhibcood ka dambaysa kooxda Atletico Madrid xilli 6 kulan ka tirsan hiyiin horyaalka waxana ay u baahantahay in ay badiso kaliya 3 ka mid ah kulamadaas si ay ugu guulaysato horyaalka.

Laakiin Barcelona ayaa la ciyaari doonta koox ku adkayd sanadihii ugu dambeeyay horyaalka La Liga sidoo kale ku adag xiddiga kooxda ee Lionel Messi.

Halyeeyga kooxda ee Lionel Messi ayaa soo booqday shabaqa kooxo badan laakiin kooxda Celta Vigo ayaa wali ah koox si aad ah ugu adag xiddiga.

Messi ayaa ka hor tagay Celta Vigo 12 kulan tan ilaa markii ay u soo dalacday horyaalka waxana uu ka badiyay 8 kulan halka uu bar-baro la galay 2 kulan laba kena guuldaro kala kulmay waxana uu ka dhaliyay 7 gool sidoo kale caawiye ka noqday 8 kale.

Rikoorka uu ku leeyahay ayaa u muuqda mid fiican maadama uu kaliya guuldaro kala kulmay laba kulan laakiin dhanka goolasha garoonka Celta Vigo ayaa ah qaar aan fiicnayn.

Messi ayaa garoonka Celta Vigo ku ciyaaray 5 kulan laakiin waxa uu ka dhaliyay kaliya 2 gool isaga oo goolkii ugu dambeeyay ka dhaliyay xilli ciyaareedkii 2012/2013 taas oo la macno ah in uuna gool ka dhalin muddo 5 sano ah.

Hadaba Lionel Messi ka bixi doonaa abaarta gool la,aanta ee garoonka Celta Vigo marka uu caawa kaga hortago mar kale?

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada