Lionel Messi Oo Kulankii Valencia Kala Baxay Rikoor Taariikhi Ah Oo Ay Kaliya 5 Xiddig Ka Sameeyeen La Liga

Kooxda Barcelona ayaa taariikh cusub u abuurtay horyaalka La Liga sabtidii kadib markii ay guul ka gaartay Valenci iyaga aan wax guuldaro ah la kulmin 39 kulan oo horyaalka La Liga.

Xiddiga Barcelona ee Lionel Messi ayaa dhankiisa taariikh ka dhigay horyaalka La Liga kadib guushii ay kooxdiisu ka gaartay kooxda Valencia.

Xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi ayaa ka mid noqday 5-ta xiddig ee ugu guulaha badan taariikhda horyaalka La Liga.

Blaugrana ayaa guul 2/1 ah ka gaartay kooxda Valencia iyaga oo ay goolasha u dhaliyeen xiddigaha Luis Suarez iyo Samuel Umtiti taas oo ah guushii 312-aad ee uu La Liga ka gaaray Lionel Messi.

Guushii Sabtidii ayaa bar-baro kala dhigtay xiddiga Manolo Sanchis laakiin Messi ayaa rikoorkaas ku gaaray 413 kulan isaga oo ka yar inta uuna Manolo Sanchis oo halyeey Real Madrid ah ku gaaray isaga oo 523 kulan ku gaaray rikoorkaas.

Xiddigii hore ee kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa 322 guulood ku gaaray 505 kulan inkasta oo ayna u badnayn in uu lionel Messi dhaafi doono rikoorka Xavi Hernandez xilli ciyaareedkan.

Raul Ayaa 327 guuloo ku gaaray 550 kulan oo horyaalka La Liga ah inkasta oo ay laba boos ee ugu sareeya ay ku jiraan laba goolhaye.

Andoni Zubizarreta ayaa 333 guulood ku gaaray 622 kulan halka goolhaye Iker Casillas uu haysto rikoorka ugu badan isaga oo 334 guulood ku gaaray 510 kulan.

Halkan Hoose Kaga Bogo 5-ta xiddig ee ugu guulaha badan taariikhda La Liga:

  1. Iker Casillas: 334 guulood
  2. Andoni Zubizarreta: 333
  3. Raul: 327
  4. Xavi Hernandez: 322
  5. Manolo Sanchis: 312

1= Lionel Messi 321.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada