La Ogaaday: Sabab La Yaab Leh Oo Uu Andre Iniesta U Doonayo In Uu Ugu Biiro Horyaalka Shiinaha Oo La Ogaaday

Wargayska Marca ayaa shaaca ka qaaday sabab la yaab leh oo uu xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Andres Iniesta u doonayo in uu uga tago xagaaga kooxda Barcelona uguna biiro horyaalka Shiinaha.

Iniesta ayaa in hal mar ka badan sheegay in uu ku jiro xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee kooxda Barcelona xilli ay jiraan kooxo badan oo reer shiine ah oo doonaya adeegiisa.

Wargayska ayaa ugu dambayn ogaaday sabab la yaab leh uu uu xiddigu u doonayo in uu ugu biiro kooxaha reer shiine taas oo ah in uu heshiis la galay shirkada shiinaha ku taala oo khamrigiisa u dhoofin doonta adudunka oo dhan.

Xiddiga ayaa heshiiskaas ka helaya faa,iido weyn oo ah heshiiska kooxda uu ku biiro oo mushahar waali ah miiska u saaraysa iyo khamriga ay shirkadiisu soo saarto oo laga isticmaali doono shiinaha iyo waliba adduunka.

Warka ayaa intaa ku daraya in uu Andres Iniesta ciyaari karo kulankiisii ugu dambeeyay ee Barcelona finalka Copa Del Rey-ga 21 bishan dhici doona.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada