Kooxda Man City Oo Khatar Ugu Jirta In Laba Suuq Laga Ganaaxo & Wakhtiga Ay Ganaaxa La Kulmi Karto Oo La Ogaaday

Kooxda Man City ayaa laga yaabaa in ay wajahdo ganaax laba suuq oo kala iibsiga ah taas oo Pep Guardiola ka hor istaagi karta in uu xoojiyo kooxdiisa suuqa Xagaaga.

Xukunka ku aaddan kiiska ku lugta leh saxiixii ay kooxda Man city la soo saxiixatay da,yarka Benjamin Garre ayaa la filayaa todobaadkan, sida laga soo xigtay Maxkamadda Xalinta Khilaafaadka, Guardiola ayaa doonaya in uu xiddigo ku soo daro kooxdiisa laakiin waxa jira wal-wal weyn oo ku aadan in ay maxkamadu ganaax dusha ka saari doonto kooxda Man city.

Af hayeen u hadlay CAS ayaa sheegay in xukunka ku lugta leh saxiixii muranka lahaa e Garre in la filayo todobaad maalmood ee soo socota.

Guardiola ayaa doonaya in uu kooxdiisa ku soo daro 2 ama 3 xiddig si uu kooxdiisa ugu xoojiyo kadib ku guulaysigii horyaalka premier league xilli ciyaareedkan.

Laakiin waxa jira wal-wal laga qabo in CAS ay ganaax dusha ka saari doonto kadib markii kooxda reer Argentine ee Velez Sarsfield ay city ku eedaysay in ay la soo xiriirtay Garre markii uu 15 jirka ahaa kadib ay dambi ka gashay xeerka suuqa kala iibsiga iyada oo la soo saxiixatay xiddiga maalmo kadib markii uu 16 jir noqday.

Hadii City lagu helo dambiga waxa ay wajahayaan ganaax laba suuq ah kaas oo ka hor istaagi doona in ay xiddigo la soo wareegaan xagaagan iyo suuqa January ee 2019.

Halkan Hoose Kaga Kooxihii Horay Looga soo ganaaxay suuqa kala iibsiga:

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada