Kooxda Bayern Munich Oo Heshay War Fiican Ka Hor Kulankooda Real Madrid & Laba Xiddig Oo U Soo Laabtay Waliba Dhamaystirtay Tababarkii Maanta

Kooxda Bayern Munich ayaa war fiican heshay ka hor kulankooda Salaasada ee lugta 2-aad ee semi-finalka champions League ee ay Real Madrid kula ciyaari doonto garoonka Estadio Santiago Bernabeu.

Bayern Munich ayaa dib u heli doonta adeega xiddigeheeda ee David Alaba iyo Javi Martinez kuwaas oo diyaar u ah in ay ka hor tagaan kooxda Real Madrid.

Labada xiddig ayaa si caadi ah tababarka u qaatay maanta oo Axad ah, daafac reer Austria ayaa isugu seegay lugtii hore kaas oo dhaawac dartiis u seegay.

“Dareenkeenu wuu fiican yahay waxana aan ka arkaa sidii aan tababarka diirada u saarnay, waxa aanu bixin doona 100%”ayuu Alaba yiri.

“Anigu waxa aan ku suganahaya wadada saxda ah Salaasada”ayuu sii raaciyay.

Martinez ayaa sidoo kale dhamaystay tababarka buuxa isaga oo aan dareemin wax dhibaato ah taas oo war fiican u ah kooxda Bayern Munich oo laga doonayo in ay ka soo kabsato guuldaro 2/1 ah oo ka soo gaartay garoonkeeda hadii ay u soo baxayso Finalka tartanka.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada