Kadib Ku Guulaysigii Horyaalka Halkee Ayuu Pep Guardiola Kaga Jiraa Tababarayaasha Ugu Guulaysiga Badan Koobabka

Kooxda Man City ayaa si Rasmi ah ugu guulaystay horyaalk premier League iyaga oo uu hogaaminayo Pep Guardiola xilli ciyaareedkiisii 2-aad oo xiriir ah.

Man city ayaa Sabtidii gaartay gull 3/1 ah oo ay ka gaartay Tottenham waxana ay 16 dhibcood ka horeeyaan Man United kadib markii ay guudarada 1/0 ah kala kulantay West Bro.

Guardiola ayaa ku guulaystay horyaalkiisii 23-aad xirfadiisa tababaranimo iyo 9-kii sano ee uu ku fadhiyay kursiga tababaranimo.

Tababaraha reer Spain ayaa kaalinta 4-aad ka galay tababarayaasha ugu guulaha badan koobab kadib labada koob ee uu xilli ciyaareedkan ku guulaystay.

Guardiola oo xilli ciyaareedkii hore baxay bilaa koob markii ugu horaysay xirfadiisa ciyaareed ayaa xilli ciyaareedkan ku guulaystay horyaalka premier League iyo koobka Carabao cup-ka.

Hadaba tababarayaasha ka koobabka Badan Guardiola ayuu ugu horeeyaa Sir Alex Ferguson oo ku guulaystay 49 koob,Valeriy Lobanovskyi oo ku guulaystay 28 koob,Jock Stein oo ku guulaystay 26 koob, Jose Mourinho & Ottmar Hitzfeld oo ku guulaystay 25 iyo Pep Guardiola oo ku guulaystay 23 koob.

Halkan Hoose Kaga Bogo Tababarayaasha ugu guulaha badan koobabka:

  1. Sir Alex Ferguson: 49 koob
  2. Valeriy Lobanovskyi: 28
  3. Jock Stein: 26
  4. Ottmar Hitzfeld: 25
  5. Jose Mourinho: 25
  6. Pep Guardiola: 23

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada