“Ka Haritaankii Barcelona Ee Champions League Waxa Ay U Fiicantahay Kubada Cagta”:- Halyeeyga Barcelona Ee Rivaldo Oo Sharaxay Sababta Ay Ka Haristii Barcelona Ee Champions League Ugu Fiicantahay Kubada Cagta

Xiddigii hore ee kooxda Barcelona ee Rivaldo ayaa sheegay in ka haritaankii Barcelona ay ka hartay tartanka champions League in ay u fiicantahay kubada cagt.

Kooxda Bacelona ayaa si lama filaan ah uga hartay tartanka inkasta oo ay ugu cad-cadayd in ay wareega xiga u gudubto maadama ay lugtii hore 4/1 ku garaacday kooxda Roma.

Real Madrid ayaa ku dhawaatay in ay Barcelona u raacdo ka harista tartanka kulankii ka dhacay Santiago Bernabeu Laakiin gool uu Ronaldo dhaliyay wakhti dambe ayaa ka caawiyay in ay u soo baxdo wareega xiga.

Rivaldo oo ku guulaystay champions League sanadkiisii ugu horeeyay ee uu ka tagay Barcelona kuna biiray Ac Milan ayaa aaminsan in ay kubada cagta u fiicantahay in ay Barcelona ka hartay tartanka champions League.

“Wixii dhacay waxa ay ahayd wax xiiso leh”ayuu yiri “Maadama aan u soo ciyaaray Barcelona, taageerana u ahay waan ka xumahay wixii dhacay laakiin waa in aynu fahamno in ay taasi muujinayso diyaar garawga kooxaha kale ee kubada cagta ee ayna kaliya awood lahayd Barcelona iyo Real Madrid”.

“Real Madrid waxa ay ku dhawayd in ay ka harto tartanka sidoo kale, taasna waxa ay u fiicantahay kubada cagta iyo kooxaha kale kuwaas oo haatan dareemaya in ayna ka awood yarayn Real Madrid iyo Barcelona, dabcan cidna haatan ma odhan karto Real Madrid ayaa ku guulaysanaysa tartanka champions League”.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan ““Ka Haritaankii Barcelona Ee Champions League Waxa Ay U Fiicantahay Kubada Cagta”:- Halyeeyga Barcelona Ee Rivaldo Oo Sharaxay Sababta Ay Ka Haristii Barcelona Ee Champions League Ugu Fiicantahay Kubada Cagta

Halkaan Ku Qor Fikirkaada