Jose Mourinho Oo Tilmaamay Kooxaha Horyaalka Ku Tartami Doona Xilli Ciyaareedka Dambe

Tababaraha Kooxda Man United ee Jose Mourinho ayaa magacaabay kooxaha Man city kula tartami doona hanashada horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe.

Man United ayaa kooxda ay sida weyn ugu xafiiltamaan gacanta u galisay horyaalka kadib markii ay guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda West Brom.

Mourinho oo arintaas ka hadlaya ayaa yiri”Koox walba waxa ay isku dayi doontaa in ay horumarto, sidii aanu samaynay xilli ciyaareedkii hore, xilli ciyaareedkii hore waxa aan ku dhamaysanay kaalinta 6-aad xilli ciyaareedkana waxa aan rajaynayaa in aan ku dhamaysano kaalinta 2-aad”ayuu u sheegay Sky Sport.

“Xilli ciyaareedka dambe waxa aan isku dayi doonaa in aanu isku dayi doonaa in aanu horumar samayno laakiin aan eegno waxa dhaca, waxa laga yaabaa in ay City si weyn lacag suuqa u galiso si ayna kooxaha kale ugu soo dhawaan”.

“Laakiin kaliya maaha anaga iyo iyaga waxa joogta Liverpoo,Arsenal,chelsea iyo Tottenham kuwaas oo u dagaalami doona horyaalka”.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada