Jose Mourinho Oo Maamulka Kooxdiisa U Gudbiyay Liiska 3 Daafac Oo Uu Doonayo In Uu Ku Badalo Chris Smalling

Tababaraha Kooxda Man United Ee Jose Mourinho ayaa maamulka kooxdiisa u gudbiyay liiska 3 xiddig oo daafaca ka ciyaara oo uu doonayo in uu ku badalo daafaca Chris Smalling.

Tababaraha reer Portugal ayaa go,aansaday in uuna xiddigii hore ee Fulham ku fiicnayn in uu si joogto ah ugu ciyaaro waxana uu amaray in la raadiyo daafac uu ku lamaaneeyo Eric Bailly.

Xilli helista saxiixa daafaca Barcelona ee Samuel Umtiti ay u muuqato mid aan dhici doonin maadama uu xiddigu ku dhaw yahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa Barcelona.

Smalling ayaa lagu badali karaan xiddiga ay isku xulka yihiin ee Harry Maguire kaas oo lagu heli karo lacag dhan 35 milyan oo euro sida laga soo xigtay Mirror.

Daafaca Leicester city ayaa haatanba Smalling kala baxay booska xulka qaranka England isaga oo kulamadii saaxiibtinimooyinka ciyaarayay.

Mourinho ayaa sidoo kale maamulkiisa u sheegau in uu doonayo daafaca Real Madrid ee Raphael Varane iyo daafaca kooxda PSG e Marquinhos.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada