Hordhac: Celta Vigo Vs Barcelona: Blaugrana Oo Booqanaysa Garoon Ayna Ku Badin 3-dii Kulan Ee Ugu Dambeeyay

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay talaabo kale u qaado ku guulaysiga Horyaalka La Liga todobaadkiisii 33-aad iyada oo u safri doonta garoonka Estadio de Balaídos iyada oo kula ciyaari doonta kooxda Celta Vigo.

Celta Vigo ayaa dhankeeda soo galaysa iyada oo u dagaalamaysa sidii ay xilli ciyaareedka dambe uga soo qayb gali lahayd tartanka Europe League.

Barcelona ayaa sii wadi karta dhigista rikoor cusub hadii ay ar kale ka fogaato guuldaro ay kala kulanto kooxda Celta Vigo.

Kulanka: Celta Vigo Vs Barcelona

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 10:00 Habeenimo

Garoonka: Estadio de Balaídos

XAQIIQOOYINAK KULANKA:

Barcelona ayaan wax guuldaro ah kala kulmin kooxda Celta Vigo 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee tartan Rasmi ah 2 kulan way badisay laba kale bar-baro ayay gashay.

Dhanka kale kooxda Celta ayaa badisay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee La Liga ah ee ay Garoonkeeda Estadio de Balaídos kula ciyaartay kooxda Barcelona 4/3 xilli ciyaareedkii hore iyo 4/1 midkii kasii horeeyay.

Celta Vigo ayaa rikoorkeeda guuldaro la,aanta ah ee Barcelona marka ay joogto garoonkeeda Estadio de Balaídos kor ugu qaaday 3 kulan kadib markii ay bar-baro 1/1 ah la gashay kulanka Copa Del Rey-ga bishii January.

Barcelona ayaa ugu yaraan dhalisay hal mar 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqatay garoonka kooxda Celta Vigo Ee Estadio de Balaídos.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada