Halkee Ayaa La Kala Marayaa Gool Dhalinta Xiisaha Badan Ee Horyaalka Premier League

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed salah ayaa sii dheerayastay hogaanka gool dhalinta horyaalka premier league kadib markii uu soo taagtay shabaqa Bournemouth kulankii ka dhacay Anfield kana tisanaa horyaalka Premier League.

Salah ayaa goolashiisa kor ugu qaaday 30 gool isaga oo noqday xiddigii ugu horeeyay ee African ah ee sidaa sameeya xilli ciyaareed kaliya horyaalka.

Mohamed salah ayaa ka faa,iidaystay ka maqnaantii Harry kane ee gool dhalinta kaas oo ku fashilmay in uu gool ka dhaliyo Man city isaga oo kor ugu qaaday goolashiisa 30 gool 5 goolna ka horeeya Harry Kane.

Sergio Aguero ayaan isagu ka qayb qaadan kulankii Tottenham waxana uu wali leehayah 21 gool taas oo la macno ah in uu wali kaligii ugu horeeyo tartanka.

xiddiga Man city ee Raheem Sterling ayaa isagu dhaliyay gool korna ugu qaaday goolashiisa 17 gool inkasta oo uu isa khasaariyay fursado badan oo gool laga dhalin karay.

Halkan Hoose Kaga Bogo xiddigaha Ugu Goolasha badan tartanka premier League:

  1. Mohamed Salah: 30 gool
  2. Harry Kane: 25
  3. Sergio Agüero: 21
  4. Raheem Sterling: 17
  5. Jamie Vardy: 17
  6. Roberto Firmino: 15
  7. Romelu Lukaku: 15
  8. Son Heung-min: 12
  9. Eden Hazard: 12

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada