Gary Neville Oo Raheem Sterling Bar-Bar Dhigay Cristiano Ronaldo & Thierry Henry Laakiin U Sheegay Waxa Ay Tahay In Uu Qabto Wali

Halyeeyga Kooxda Man United ee Gary Neville ayaa xiddiga Man City ee Raheem Sterling Bar-Bar dhigay halyeeyada Premier League ee Thierry Henry & Cristiano Ronaldo.

Isaga oo la hadlay barnaamijka Monday Night Football xiddigii hore ee Man United ayaa sheegay in Mustaqbalka Sterling ku socdo wada la mid ah kuwii Thierry Henry & Cristiano Ronaldo.

Neville ayaa hadalkiisa ku taageeray xog muujinaysa sida xiddiga Man City uu ugu dhaw yahay xogta labada xiddiga.

Inkasta oo uu aad u amaanay 43 hadana 43 jirka ayaa sheegay in uu Sterling u baahan yahay in uu shaqo badan qabto xilli ciyaareedka dambe.

“Raheem Sterling kama fikirki karo in ay tani tahay dhamaadka”ayuu u sheegay MNF. “Waxa uu ku guulaystay horyaalka waxana uu soo bandhigay xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa, laakiin waxa jira heer kale”.

“Guardiola wuu ka niyad jabay isaga sababta oo ah waxa uu ogyahay in uu dhalin karay saddexley labadii kulan ee ugu dambaysay”

“Miyuu jiraa farqi weyn oo u dhexeeya isaga, Thierry Henry iyo Cristiano Ronaldo marka laga hadlayo Numberda”.

“Waxa uu bilaabay in uu dhaliyo 17 gool kulan kasta isaga oo 22 jir ah Sterling ayaa dhaliyay 17 gool xilli ciyaareedkan”.

“Tartanka ayaa ah meesha uu aadi doono haatan, waad arki kartaa meesha ay aadeen labadaas xiddig”.

“Raheem Sterling Ma laagi karaa Koorne> ma qaadan karaa laad xor ah mar kasta? jawaabtu waa maya”.

“Ronaldo wuu samayn kari waayay sidaas markii uu 18 ama 19 jir ah laakiin waxa uu maalintii qaadanayay saacado ku cel-celis ah si uu u soco laadkiisa”.

“Sterling waa xiddig xirfad leh, aad u shaqeeya wuu adag yahay, orod badan yahay waa in uu horumar sameeyo oo uu ku cel-celis sameeyo si uu u gaaro 25 gool horyaalka xilli ciyaareedkii”.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada