Dib U Eegid : Mohamed Salah Oo Isku Qoray Taariikhda Champion-ka Liverpool

Mohamed Salah iyo Firminho ayaa guul weyn ku hogaamiyay kooxda Liverpool waxa ayna hal lug uu u giliyeen finalka tartanka Champion-ka ka dib guul ay ka gaareen kooxda Roma oo marti ugu aheyd qalcadda Anfiled .

 

Waxa ay ku garaacene 5 gool iyo laba  xilli Firminho uu lahaa laba gool halka midna uu lahaa Mane  , waxaana dhinaca Roma u dhaliyay Dzeko iyo Diego Perotti waxa ayna kala yimaadeen daqiqiadihii 81-aad iyo 85-aad ee dhamaadka ciyaarta

 

Salah ayaa  Liverpool u dhaliyay laba gool qeybtii hore ee ciyaarta kuwaasi oo kala yimid daqiiqadihii 36-aad iyo 45-aad .

Salah ayaa haatan sidaas ku leh 10 gool oo Champion-ka ah xili ciyaareedkaan xilli guud ahaan uu xilli ciyaareedkaan uu dhaliyay 42 gool dhamaan tartamada ay Liverpool ku jirto .

Haatan , kaliya waxaa Salah ka sareeya laacibkii hore Liveropool ee Ian Rush kaasi oo xilli ciyaareedkii 1982/1983-dii dhaliyay 47 gool halka Salah uu sidoo kale bar bareeyay Roger Hunt oo xili ciyaareedkii 1961/1962-dii dhaliyay 42 gool hal xilli ciyaareed dhamaan tartamada .

Sidoo kale Salah ayaa noqday laacibkii ugu horeeyay ee Liveropol oo 5 kulan isku xigts Champion-ak ah soo taabta shabaqa xilli sidoo kale uu noqday laacibkii ugu horeeyay ee qaaradad africa ah oo hal xilli ciyaareed gudihiisa Champion-ka kaga dhaliya 10 gool .

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada