Dib U Eegid: Chelsea Oo Kulankii Ay Bar-Baraha La Gashay West Ham Kala Baxday Rikoor Aan Fiicnayn Markii Ugu Horaysay

Kooxda Chelsea ayaa ku fashilantay in ay guul ka gaarto kooxda West Ham kulan ka dhacay Stamford Bridge iyada mar kale ku fashilantay in ay guul ku gaarto garoonkeeda.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Cesar Azpilicueta Iyo Javier Hernandez ayaa keentay in uu kulanku su soo dhamaado bar-baro min 1/1 ah oo ay ku heshiiyeen labada kooxood.

Hadaba kadib bar-barihii ay gashay Blues inkasta oo ay goolka ku horaysay ayaa keentay in ay diwaan gashato rikoor ayna u dhigin premier League.

Rikoorka aan fiicnayn ee ay Blues kala baxday ayaa ah in ay markii ugu horaysay ku fashilantay in ay guul gaaro kulan ay garoonkeeda ku ciyaarayso waliba gool ku hor martay.

Chelsea ayaa badisay 18-kii kulan ee ay ku hor martay gool iyada oo joogta garoonkeeda laakiin Markan ayay ku fashilantay in ay raacdo wadadii hore.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada