Dib U Eegid: Afar Xog Oo Muhiim Ah Oo Aad Uga Baahantahay Ku Guulaysiga Man City Ee Horyaalka Premier League

Kooxda Man United ayaa si Rasmi ah ugu guulaystay horyaalka premier League kadib markii kooxda kaalinta 2-aad ee Man United guuldaro kala kulantay kooxda West Brom.

City ayaa haatan ka midho dhalisay dadaalkii ay xilli ciyaareedkan oo dhan wadeen iyaga oo loo caleema saaray ku guulaystayaasha horyaalka premier League.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xogta laga diwaan galiyay ku guulaysiga City ee horyaalka premier League.

1.Tababare Pep Guardiola ayaa haatan ku guulaystay horyaalada heerka 1aad 7 sano oo ka mid ah 9-kii xilli ciyaareed ee uu tababaraha ahaa isaga oo koobab kula guulaystay Barcelona,Bayern Munich iyo Man City.

2.Man City ayaa ku guulaystay horyaalka premier League iyada oo 5 kulan harsan yihiin waxana ay bar-baraysay rikoorkaas oo u yaala kooxaha Man United iyo Everton oo sidaas sameeyay.

3.Man City ayaa hogaanka u haysay horyaalka premier League 240 maalmood waxana ay hal maalin ka yartahay kooxda Man United oo 241 maalmood hogaanka u haysay horyaalka.

4.Pep Guardiola ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay ee Spain ah ee ku guulaysta horyaalka heerka 1-aad ee dalka Engaldn.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada