Dib U Eegid: 7 Xog Oo Xiiso Leh Oo Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Arsenal Guuldarada Kala Kulantay Newcastle

Kooxda Arsenal ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Newcastle United kulan ka dhacay St James’ Park kana tirsanaa horyaalka premier League.

Magppies ayaa samaysay soo laabasho kadib markii ay ay Gunners kaga hor martay hal gool daqiiqadii 14-aad oo uu dhaliyay weeraryahanka Alexandre Lacazette.

Laakiin goolal ay dhaliyeen Ayoze Perez iyo Matt Ritchie ayaa Newcastle ka caawiyay in ay Arsenal ku garaacdo garoonka St Jame’ Park markii ugu horaysay tan ilaa 2005.

Hadaba waxa aan halkan u soo bandhigi doonaa xogta laga diwaan galiyay kulankii Gunners guuldarada kala kulantay Newcastle:

1.Kooxda Arsenal ayaan wax dhibic ah helin kulamada ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda ilaa haatan sanadka 2018 iyaga oo guuldaro la kulmay 6 kulan oo ay 2018 ku ciyaareen meel ka baxsan garoonkeeda Emirates.

2.Da,yarka Joe Willock oo dhashay 1999-kii ayaa ah xiddigii 4-aad ee dhashay ka hor intii uuna Wenger hogaamin kulankiisii ugu horeeyay Arsenal oo kulan premier league ah u saftay Arsenal waxana ka horeeyay xiddigaha Ainsley Maitland-Niles, Reiss Nelson & Eddie Nketiah.

3.Goolkii uu dhaliyay Alexandre Lacazette ayaa ah goolkii 100-aad ee ay Arsenal dhalisay xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan waan kooxdii 4-aad ee gaarta rikoorkaas xilli ciyaareedkan iyada oo ka dambaysa kooxaha Man City, Liverpool & Spurs.

4.Arsenal ayaa haatan laga dhaliyay 45 gool xilli ciyaareedkan horyaalka premier League waxana ay hal gool dheertahay goolashii laga dhaliyay xilli ciyaareedkii hore oo dhan.

5.Arsenal ayaa guuldaro la kulantay kulankii 5-aad oo xiriir ah horyaalka premier League oo ay ku ciyaarayso meel ka baxsan garoonkeeda markii ugu horaysay tan ilaa December 1984.

6.Arsenal ayaa haatan la kulantay guuldaradii 11-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo bar-bareeyay rikoorkoodii ugu xumaa intii uu hogaaminayay Wenger sanadkii 2005/2006 markaas oo laga badiyay 11 kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan.

7.Kooxda Arsenal ayaa ka dambaysa 33 dhibcood kooxda hogaanka u haysa horyaalka premier League iyada oo isla dhibcahaas ka horaysa kooxda kaalinta ugu hoosaysa horyaalka ee West Brom.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada