Dib U Eegid: 6 Xog Oo Laga Diwaan Galiyay Guushii Ay Liverpool Ka Gaartay Kooxda Bournemouth

Kooxda Liverpool ayaa guul u qalantay ka gaartay kooxda Bournemouth kulan ka tirsanaa horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Goolal ay dhaliyeen Sadio Mane,Mohamed salah iyo Roberto Firmino ayaa Reds ka caawiyay in ay gaaraan guul weyn oo ay ku gaareen garoonkeeda Anfield.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xogta laga diwaan galiyay kulanka ay Reds gaartay.

1.Alex Oxlade-Chamberlain ayaa caawiye ka ahaa afar kulan oo ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay Premier League ee uu ku ciyaaray Anfield

2.Mohamed Salah ayaa ah ciyaaryahankii sideedaad ee horyaalka premier League ka dhaliya 30 gool iyo wax ka badan xilli ciyaareed kaliya waxa uu sidoo kale noqday xiddigii ugu horeeyay ee Africa ka soo jeeda ee sidaas sameeya.

3.Mohamed salah ayaa noqday kaliya xiddigii 3-aad ee dhaliya 40 gool iyo wax ka badan taariikhda kooxda Liverpool tartamada oo dhan xilli ciyaareed kaliya isaga oo ka dambeeya xiddigaha Roger Hunt (1961-62) & Ian Rush (1983-84 and 1986-87).

4.Sadio Mane ayaa dhaliyay 10 gool iyo wax ka badan xilli ciyaareedkiisii 4-aad ee premier League waxa ka badan kaliya xiddigaha Sergio Aguero (7) Eric Cantona (5).

5.Sadio Mane ayaa noqday xiddiga ugu goolasha badan premier League ee ka soo jeeda dalka Senegal isaga oo dhaafay Demba Ba kaas oo dhaliyay 43 gool.

6.xiddigaha Sadio Mane,Mohamed salah iyo Roberto Firmino ayaa dhexdooda dhaliyay 82 gool oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan waana saddexleyda ugu badan ee sidaas sameeya yurub oo dhan

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada