Dib U Eegid: 5 Xog Oo Aad Uga Baahantahay In Aad Ka Ogaato Guushii Ay Man United Ka Gaartay Arsenal

Kooxda Man United ayaa guul wakhti dambe ah ka gaartay kooxda Arsenal kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa todobaadkii 36-aad ee horyaalka premier Leageu.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha khadka dhexe ee Paul Pogba iyo Marouane Fellaini ayaa United ka caawiyay in ay guuldaro ku macasalaameeyaan Wenger oo kulankiisii ugu dambeeyay Old Trafford.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa rikooradii iyo xaqiiqooyinkii laga diwaan galiyay kulankaas.

1.Arsenal ayaa laga badiyay lix kulan oo isku xigta oo xiriir ah horyaalka oo ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda Emirates markii ugu horaysay tan ilaa January 1966.

2.Arsenal ayaa ah kooxda kaliya ee ka midka ah 5-ta kooxood ee ugu waaweyn ee England ee aan wax guul ah gaarin marka ay ku ciyaarayso meel ka baxsan garoonkeeda sanadka 2018.

3.Henrikh Mkhitaryan ayaa ah xiddigii ugu horeeyay ee gool u dhaliya kana dhaliya kooxda Man United xilli ciyaareedk kaliya.

4.Paul Pogba ayaa si toos ah ugu lug lahaa afar gool afartiisii ​​kulan ee ugu dambeysay ee Premier League ah (3 gool, 1 caawin) waana in ka badan intii uu ku lug lahaa 12-kii kulan ee hore.

5.Isku celceliska da’da shaxda Arsenal ee ku bilaabatay kulankii Man United ayaa u dhexaysa (26 jir iyo 67 maalmood) waana shaxdii ugu yarayd ee premier League tan ilaa August 2011 markaas oo sidoo kale ay Arsenal ku ciyaartay Old Trafford markaas oo ay United ku badisay 8/2.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada