Dib U Eegid: 4 Xog Oo Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Man United Guusha Uga Gaartay Tottenham Isagana Xaadirisay Finalka FA Cup-ka

Kooxda Man United ayaa Tottenham ka gaartay guul qaali ah iyaga oo iska xaadiriyay finalka FA Cup-ka waliba sugi doona kooxda la ciyaari doonta Finalka kooxaha chelsea iyo Southampton.

Goolal ay dhaliyeen Alexis Sanchez iyo Ander Herrera ayaa Red Devils ka caawiyay in ay Man United iska xaadiriso Finalka FA Cup-ka.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa xogta laga diwaan galiyay kulankii xiisaha Lahaa ee ay United guusha 2/1 ah kaga gaartay Tottenham.

1.Christian Eriksen ayaa si toos ah ugu lug lahaa 10 gool lixdii kulan ee ugu danbeysay ee uu Tottenham u ciyaaray FA Cup-ka (3 gool, 7 caawiye).

2.Alexis Sanchez ayaa 8 gool ka dhaliyay 8 kulan oo uu ka soo muuqday garoonka Wembley Stadium Xulkiisa iyo kooxdiisa waxana ka mid ah 3 gool oo Semi-finalka FA Cup-ka ah.

3.Romelu Lukaku ayaa ku gacan lahaa 14 gool 13-kii kulan ee ugu dambeeyay ee FA Cup-ka (12 gool, 2 caawiye), oo uu ku jiro 7 gool shan kulan oo uu u saftay Man Utd.

4.Kooxda Man United ayaa gaartay Finalkoodii 29-aad ee kulamada Maxaliga ah 20 Final oo FA Cup-ka ah iyo 9 League Cup ah waana kooxda ugu badan ee sidaas samaysa England.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada