Dib U Eegid: 4 Xog Oo Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Arsenal Guusha Weyn Ka Gaartay West Ham

Kooxda Arsenal ayaa guul weyn ka gaartay kooxda West Ham kulan ka tirsanaa horyaalka premier League todobaadkii 35-aad ee horyaalka kulan ka dhacay Emirates.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Nacho Monreal, Alexandre Lacazette (2) iyo Aaron Ramsey ayaa Gunners ka caawiyay in ay guul ku bilaabato kulamada macasalaamaynta Arsene Wenger.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa xogta laga diwaan galiyay kulanka ay Guners guusha qiimaha leh ka gaartay West Ham:

1.Nacho Monreal ayaa dhaliyay seddex gool todobadii kulan ee ugu dambeysay ee uu u saftay Premier League waana in ka badan intii uu dhaliyay 153-gii kulan ee uu ciyaaray tartanka.

2.Aaron Ramsey ayaa xiddiga goolasha ugu badan kooxda Arsenal ee ku lug leh xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan 11 gool uu dhaliyay 8 kalena caawiye ayuu ka noqday.

3.80% goolasha Alexandre Lacazette ee Arsenal ee xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan ayaa ka yimid garoonka kooxda Arsenal ee Emirates 12 gool oo ka mid ah 15 gool ayuu ku dhaliyay.

4.Arsene Wenger ayaa ku garaacay David Moyes 22 kulan tartamada oo dhan, in ka badan inta uu macalinka kale garaacay intii uu macalin u ahaa Arsenal.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada