Dhaawac Halis Ah Oo Soo Gaaray Weeraryahanka Amaahda Uga Maqan Chelsea Ee Michy Batshuayi

Weeraryahanka amaahda uga maqan kooxda chelsea una ciyaara Kooxda Borussia Dortmund ee Michy Batshuayi ayaa lagu soo waramaayaa in uu soo gaaray dhaawac looga shakisan yahay jab kuraanta ah taas oo shaki la,aan khatar galinaysa ka qayb galkiisa koobka adduunka.

24 jirkan oo amaah kula jooga kooxda Dortmund ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka ayuu dhaawac xun ka soo gaaray kulankii ay kooxdiisu guuldarada 2/0 ah ka soo gaartay Schalke kulan ka tirsanaa horyaalka Germany.

Xiddiga ayaa la arkay isaga oo garoonka uga tagaya isaga oo xiran biraha lagu boodo waaxana ay uu wargayska Sport Bild sheegayaa in laga yaabo in ay kuraantu jabtay xiddiga.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddigu haatan ku soo laaban doono kooxdiisa chelsea kadib markii uu dhaawaca xun soo gaaray.

Xiddiga reer Belguim ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku qaadanaya kooxda Dortmund tan ilaa markii uu ku biiray kooxda reer Germany suuqii January.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada