DEG-DEG: Masiibada Bayern Munich Oo Bilaabatay Ka Hor Kulanka Real Madrid & Arturo Vidal Oo Uu Dhaawac Xun Soo Gaaray

Kooxda Bayern Munich oo ay ku dhacday dhirbaaxo xun ka hor kulankooda ugu muhiimsan xilli ciyaareedka ee ay Arbacada dambe kuna beegan 25 bisha April la ciyaari doonaan kooxda Real Madrid kulan ka tirsan lugta 1-aad ee Semi-finalka tartanka champions League.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich ee Arturo Vidal ayuu dhaawac halis ah ka soo gaaray tababarka kooxdiisa iyada oo la helay sawiro muujinaya xiddig oo garoonka looga dhex qaaday gaariga gar-gaarka deg-deg ah.

Wargayska Bild Sport ee ka Germany ka soo baxa ayaa sheegaya in uu Vidal dhulka ku dhacay galigii iyada oo ayna cidna u dhawaan isla markiiba qabtay jilibka lugta Midig.

Xiddiga reer France ee Franck Ribéry iyo Tababaraha Goolhayaha ayaa isku dayay in ay Vidal ka caawiyaan in uu koco laakiin waxa ugu dambayn soo dhex galay waaxda caafimaadka.

Wargayska ayaa intaa ku daraya in aan ilaa haatan la ogayn dhibaatada dhaawaca iyo inta uu ka maqnaan doono garoomada laakiin wajiga Vidal oo is badalay kadib dhaawaca muujinayo in uuna dhaawacu ahayn mid fudud.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada