Dani Alves Oo Isku Qoray Taariikhda Kubada Cagta Kadib Ku Guulaysigii Horyaalka France, Giggs & Ibrahimovic Ayuu Dhaafay

Daafaca Kooxda PSG ee Dani Alves ayaa ku guulaystay koobkiisii 36-aad ee xirfadiisa ciyaareed kadib ku guulaysigii kooxda PSG ee horyaalka France.

Kadib markii ay PSG ku guulaystay horyaalka Ligue 1 Axadii markii ay 7/1 ku garaaceen kooxda Monaco xiddiga reer Brazil ayaa haatn ku guulaystay 36 koob oo duwan.

Kadib markii uu horyaalka Serie A-da iyo Coppa Italia kula guulaystay Juventus xilli ciyaareedkii hore Alves ayaa iska diiday in uu ku biiro kooxda Pep Guardiola isaga oo ku biiray PSG waxana uu durba kula guulaystay 3 koob.

Marka laga hadlayo ku guulaysiga koobabka xulka iyo waliba kooxda Alves ayaa ka hor maray xiddiga Ryan Giggs kaas oo haatan kaalinta 2-aad ku jira.

Giggs ayaa haatan kaalinta 2-aad ku jira halka Zlatan Ibrahimovic ku durkay kaalinta 3-aad.

Xilli uu u soo ciyaaray kooxaha Juventus, Inter, Barcelona, Milan, PSG & Manchester United Zlatan ayaa ku guulaystay 33 koob Waxana uu 3 koob ka yar yahay Alves oo koobab kula soo guulaystay kooxaha Bahia, Sevilla, Barcelona, Juve iyo haatan PSG.

Halyeeyga Man United oo haatan Tababare u ah Wales ee Ryan Giggs ayaa ku xiga isaga oo ku guulaystay 33 koob oo xirfadiisa ciyaareed ah.

Hadaba Waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa xiddigaha ugu guulaysiga badan koobabka taariikhda kubada cagta:

1.Dani Alves 36 Koob

Campeonato Baiano: 2001.

Campeonato do Nordeste: 2001, 2002.

Copa del Rey: 2006–07, 2008–09, 2011–12, 2014–15, 2015–16.

Spanish Super Cup: 2007, 2009, 2010, 2011, 2013.

UEFA Cup: 2005–06, 2006–07.

UEFA Super Cup: 2006, 2009, 2011, 2015.

La Liga: 2008–09, 2009–10, 2010–11, 2012–13, 2014–15, 2015-16.

Champions League: 2008–09, 2010–11, 2014–15.

Club World Cup: 2009, 2011, 2015.

Italian Cup: 2017

Serie A: 2016-17

French Super Cup: 2017-18

French League Cup: 2017-18

Ligue 1: 2017-18

=1.Maxwell: 36 36 koob

1 x Copa do Brasil: 2000

2 x Eredivisie: 2001-02, 2003-04

2 x Dutch Cup: 2001-02, 2005-06

2 x Dutch Super Cup: 2002, 2005

3 x Serie A: 2006-07, 2007-08, 2008-09

2 x Italian Super Cup: 2006, 2008

2 x La Liga: 2009-10, 2010-11

3 x Spanish Super Cup: 2009, 2010, 2011

1 x Champions League: 2010-11

2 x UEFA Super Cup: 2009, 2011

2 x Club World Cup: 2009, 2011

4 x Ligue 1: 2012-13, 2013-14, 2014-15, 2015-16

2 x French Cup: 2014-15, 2015-16

3 x French League Cup: 2013-14, 2014-15, 2015-16

4 x French Super Cup: 2013, 2014, 2015, 2016

2. Ryan Giggs: 35:

13 x Premier League: 1992–93, 1993–94, 1995–96, 1996–97, 1998–99, 1999–2000,2000–01, 2002–03, 2006–07, 2007–08, 2008–09, 2010–11, 2012–13

4 x FA Cup: 1993–94, 1995–96, 1998–99, 2003–04

3 x League Cup: 1991–92, 2005–06, 2008–09, 2009-10

9 x Community Shield: 1993, 1994, 1996,1997, 2003, 2007, 2008, 2010, 2013

2 x Champions League: 1998–99, 2007–08

1 x UEFA Super Cup: 1991

1 x Intercontinental Cup: 1999

1 x FIFA Club World Cup: 2008

3. Zlatan Ibrahimovic: 33 Koob:

2 x Eredivisie: 2001-02, 2003-04

1 x Dutch Cup: 2001-02

1 x Dutch Super Cup: 2002

6 x Serie A: 2004-05, 2005-06, 2006-07, 2007-08, 2008-09, 2010-11

3 x Supercoppa Italiana: 2006, 2008, 2011

1 x Spanish Super Cup: 2009

1 x European Super Cup: 2009

1 x Club World Cup: 2009

1 x La Liga: 2009-10

1 x Spanish Super Cup: 2010

4 x Ligue 1: 2012-13, 2013-14, 2014-15, 2015-16

3 x Trophee des Champions: 2013, 2014, 2015

3 x Coupe de la Ligue: 2014, 2015, 2016

2 x Coupe de France: 2015, 2016

1 x Community Shield: 2016

1 x League Cup: 2017

1 x Europa League: 2017

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada