Daafaca Kooxda Man City Ee Benjamin Mendy Oo Waayi Kara Bilada Ku Guulaysiga Horyaalka In Kasta Oo Ay Kooxdiisu Ku Guulaysatay, Maxay Tahay Sababtu

Kooxda Man City ayaa ku guulaysatay horyaalka premier League kadib markii ay kooxda Man United ku fashilantay in ay guul ka gaarto kooxda West Brom.

Wali lama xaqiijin wakhtiga loo soo bandhigi doono kooxda Man city koobka Premier League iyo wakhiga xiddigaha Man city la gudoonsiin doono bidalaha ay u qalmaan.

Arinta xiisaha leh ayaa ah in 4 xididg oo ka mid ah kooxda Man City ayna heli doonin biladaha la siin doono xiddigaha Man city.

Si aad ugu guulaysato bilada la siiyo xiddigaha ku guulaysta horyaalka waxa lagaaga baahan yahay in aad ugu yaraan ciyaarto 5 kulan oo horyaalka premier League.

Haatan 4 xiddig ayaa khatar ugu jira in ay seegana biladaas maadama ay ciyaareen wax ka yar inta la ogolyahay waxana kala ah Claudio Bravo (1), Phil Foden (3), Brahim Diaz (3) Iyo Benjamin Mendy (4).

Xilli ay xiddigaha kale ay gaari karaan rikoorkaas si ay u helaan bilada xiddiga Mendy oo 52 milyan ugu soo biiray kooxda ayaa laga yaabaa in uu seego bilada.

Xiddiga ayaa dhawaan ka soo laabtay dhaawac jilibka ahaa oo ka soo gaaray Crystal Palace bishii September waxana dhici karta in uu xilli ciyaareedka ku dhamaysto 4-ta kulan ee uu ilaa haatan ciyaaray.

Laakiin Nasiib wanaag xiddiga ayaa laga yaabaa in uu helo.

Man city ayaa la siin doonaa 40 biladood oo ay u qaybin doonaan 18 xiddig ee kooxda u ciyaaray wixii 5 kulan ka badan waxa soo hadha ayaa la siin doonaa shaqaalaha tababarka iyo xiddigaha kale ee ay Man city doonto.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada