Daafaca Kooxda Chelsea Ee Marcos Alonso Oo Wajahaya Ganaax 3 Kulan Ah Sababta Uu Ku Wajahayo & Kulamada Uu Seegi Doono Oo La Ogaaday

Daafaca Kooxda chelsea ee Marcos Alonso ayaa halis ugu jira in uu seego Semi-finalka tartanka FA Cupka ay la ciyaari doonaan kooxda Southampton Axada dambe.

Xiddiga ayaa wajahaya halista ah in uu seego kulankaas ka dib markii madax sare ee anshaxa ee FA-gu uu baaritaan ku sameeyay muuqaalkii uu daafaca reer Spain sida xun ugu tacadiyay weeraryahanka kooxda Southampton ee Shane Long.

Garsoore Mike Dean ayaan wakhtigaas talaabo ka qaadin daafaca reer Spain waxana laga yaabaa in garka laga galiyo ganaax 3 kulan ah iyada oo la filayo in go,aanka la qaato Arbacada.

Hadii uu xiriirku go,aansado in uu ganaaxo xiddiga waxa uu seegi doonaa kulamada Premier League ee Burnley iyo Swansea City iyo waliba Semi-finalka FA Cup-ka.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah hadii uu xiddigu maqnaado kulamadaas xilli ay Blues dagaal aan suurtagal ahayn ugu jirto in ay ugu soo baxdo tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “Daafaca Kooxda Chelsea Ee Marcos Alonso Oo Wajahaya Ganaax 3 Kulan Ah Sababta Uu Ku Wajahayo & Kulamada Uu Seegi Doono Oo La Ogaaday

Halkaan Ku Qor Fikirkaada