Daafaca Kooxda Chelsea Ee Antonio Rudiger Oo Afka Furtay Kadib Markii Laga Reebay Kulankii Southampton

Daafaca kooxda chelsea ee Antonio Rudiger ayaa afka furtay kadib markii laga reebay kulankii sabtidii ay kooxda chelsea la ciyaartay kooxda Southampton kana tirsanaa horyaalka premier League.

Daafaca chelsea ee Antonio Rudiger ayaa sheegay in uu taam buuxa u ahaa in uu wajaho Southampton laakiin uuna wax fikrad ah ka haysan sababatii uu Antonio Conte uga reebay Liiska.

Daafaca reer Germay ayaa u muuqday mid su,aal ka keenay shaxda Antonio Conte kadib bar-barihii ay chelsea la gashay kooxda West Ham.

Rudiger ayaa yiri” Waxan u malaynayaa qaybtii dambe in aan dili karnay ciyaarta laakiin sidii kulankii hore iyo waliba bilhii ugu dambeeyay maanu dilin ciyaarta waxana nalaga dhaliyay goolka”.

“Aniga ahaan ma ahan wax fudud in aan sharaxo ma garanayo markii aan 1/0 lahayd sababta aan dib ugu galnay daafaca kooxda naga soo hor jeedana ugu ogolaanay in ay kubada haysato”.

Kadib hadalkaas daafaca ayaa laga dhex waayay kooxda chelsea kulankii ay Blues guusha 3/2 ah ee soo laabashada lahayd ka gaartay kooxda Southamton.

Daafaca dhexe ayaa xaqiijiyay in uu diyaar u ahaa in uu ciyaaro waxana uu yiri” Shalay waxa la i waydiiyay sababta aanan kooxda ugu jirin”ayuu yiri “wax fikrad ah kama hayo, waxa aan ahaa mid taam buuxa ah”.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada