Andres Iniesta Oo Doortay Meeshii Uu Ka Ciyaari Lahaa Xilli Ciyaareedka Dambe – Wakhtiga Uu Shaacin Doonana Waa La Ogaaday

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Andres Iniesta ayaa lagu soo waramayaa in uu doortay meeshii uu ka ciyaari laaha xilli ciyaareedka dambe.

Khabiirka reer Spain ayaa lagu soo waramayaa in uu ka tagi doono kooxda Barcelona inkasta oo uu heshiis noloshiisa ah u saxiixay kooxda.

Andres Iniesta ayaa bixitaankiisa kooxda Barcelona ku dhawaaqi doona sabtida sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Spain.

Halyeeyga khadka dhexe ayaa ka tagi doona Barcelona waxana haatan la fahamsan yahay in uu ogolaaday in uu ku biiro horyaalka shiinaha.

Inkasta oo aan wali la ogayn kooxda uu ku biiri doono laakiin 33 jirka ayaa u dhaqaaqi doona shinaha dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Spain ayaa go,aankiisa shaacin doona Sabtida kadib kulanka Finalka Copa Del Rey-ga oo ay Barcelona la ciyaari doonto Sevilla.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay 4 kooxood oo horyaalka Shiinaha ka ciyaara dalab Rasmi ah oo qiimo sareeya ah ka soo gudbiyeen iyada oo uu saxiixi doono heshiis saddex sano ah.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada