Tababaraha Xulka Qaranka Germany Ee Joachim Low Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Brazil & Spain

Tababaraha xulka qaranka Germany ee Joachim Low ayaa soo saaray 26-ka xiddig ee uu kaga hor tagi doono xulalka Spain iyo Brazil kulamada saaxiibtinimooyinka ah ee ay isugu diyaarinayaan koobka adduunka.

Joachim Low ayaa liiskiisa ka saaray xiddigii goolka u dhaliyay xulka finalkii koobkii adduunka ee 2014 ee Mario Gotze iyo xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Marco Reus.

Xiddiga marco Reus ayaa dhawaan ka soo kacay dhaawac wakhti dheer ah waxana uu tababaruhu sheegay in uu u baahan yahay wakhti dheer oo uu ciyaaro si uu ugu soo laabto taam ahaanshihiisa.

Xulka qaranka Germany ayaa la ciyaari doona xulka Spain todobaadka dambe ka hor inta ayna 27 bishan la ciyaarin xulka Brazil kulamo xiiso leh.

Xiddigaha Sandro Wagner & Mario Gomez ayuu midkood weerarka xulka kala ciyari doonaa weeraryahanka da,yarka ah ee Timo Werner.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha uu tababaruhu soo xushay:

Goolhayaha: Marc-Andre Ter Stegen (Barcelona), Bernd Leno (Bayer Leverkusen), Kevin Trapp (Paris Saint-Germain).

Daafaca:Jerome Boateng (Bayern Munich), Mats Hummels (Bayern Munich), Jonas Hector (Cologne), Joshua Kimmich (Bayern Munich), Antonio Rudiger (Chelsea), Matthias Ginter (Borussia Monchengladbach), Niklas Sule (Bayern Munich), Marvin Plattenhardt (Hertha Berlin)

Khadka dhexe/weerarka: Thomas Muller (Bayern Munich), Mesut Ozil (Arsenal), Toni Kroos (Real Madrid), Sami Khedira (Juventus), Julian Draxler (Paris Saint-Germain), Sebastian Rudy (Bayern Munich), Ilkay Gundogan (Manchester City), Emre Can (Liverpool), Julian Brandt (Bayer Leverkusen), Leon Goretzka (Schalke), Leroy Sane (Manchester City), Mario Gomez (Stuttgart), Timo Werner (RB Leipzig), Lars Stindl (Borussia Monchengladbach), Sandro Wagner (Bayern Munich).

 

 

 

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada