Roberto Firmino Oo Magacaabay Xiddigihiisa Ugu Fiican Ee 6-da Kooxood Ee Ugu Sareeya Horyaalka Premier League & Xiddig Lama Filaan Ah Oo Uu Ku Daray

Weeraryahanka Kooxda Liverpool ee Roberto Firmino ayaa shaaca ka qaaday xiddigaha uu aaminsan yahay in ay yihiin kuwa ugu fiican premier league isaga oo xiddig si lama filaan ah ugu soo daray.

Xiddiga Liverpool ayaa magacaabay xiddigaha ugu fiican premier league isaga oo ku soo daray xiddig Tottenham khadka dhexe uga ciyaara taas oo kaa yaabin doonta.

Roberto Firmino oo dhaliyay 23 gool horyaalka xilli ciyaareedkan ayaa magacyada xiddigaha uu aaminsan yahay in ay ugu fiican yihiin premier league ku bilaabay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Mohamed salah iyo xiddiga Tottenham ee Harry Kane.

“Waxa aanu England ku haysanaaa xiddigo fiican way adagtahay in hal xiddig oo kaliya loo doorto”ayuu Firmino u sheegay Goal.

“Waa sababta uu premier league u yahay midka ugu fiican adduunka isaga oo ay joogaan xiddigo tayo leh, waxa aau ka hadli karnaa gool dhaliyayaasha Salah iyo Harry Kane”.

“Waxa sidoo kale jooga xiddigaha Gabriel Jesus, Kevin De Bruyne & Ilkay Gundogan oo u ciyaara kooxda Man City”ayuu Firmino sii raaciyay.

“Paul Pogba iyo Romalu Lukaku ayaa jooga Man United”.

Laakiin markii uu soo gaaray kooxda reer London ayuu magacaabay xiddig lama filaan ah oo aan xitaa si joogto ah u ciyaarin.

“Moussa Sissoko & Mousa Dembele ayaa jooga Tottenham,” ayuu sii raaciyay xiddiga Reds.

“Willian iyo Hazard ayaa jooga Chelsea, Mesut Ozil ayaa isna jooga Arsenal”.

Firmino ayaa ugu dambayn sii raaciyay xiddigaha ay isku kooxda yihiin ee ” haka reebin Mane,Emre Can, Dejan Lovren iyo xiddigo kale oo fiican oo jooga Liverpool”.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada