PSG Oo Dhigeeda Real Madrid Ku War Galisay Hal Wado Oo U Fududayn Karta Helitaanka Neymar & Zidane Oo Fure U Ah

Kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay Neymar ka iibiso Real Madrid hadii ay buuxiyaan hal shardi oo ay wataa.

Real Madrid ayaa si aad ah loola xiriirinayay xiddiga Paris Saint-Germain tan iyo markii uu ka tagay kooxda Barcelona heshiiska rikoorka ahna ugu biiray PSG.

Wararka ayaa sheegaya in uuna Neymar ku faraxsanayn nolosha kooxda caasimada isaga oo dhawaan sheegay in shantii bilood ee uu joogay u dhiganto in uu shan sano joogo PSG.

Sida laga soo xiganayo wargayska El Gol Digital Real Madrid ayaa heli doonta saxiixa xiddiga hadii ay fuliso dalabka kooxda PSG Xagaaga.

El Gol Digital Ayaa sheegaya in ay PSG diyaar u tahay in ay xiddiga u ogolaato in uu ku biiro Real Madrid hadii uu Tababare Zinedine Zidane ka mid noqon doono heshiiska.

PSG Ayaa la filayaa in ay xagaaga iska fasaxdo tababareheeda haatan ee Unai Emery kadib markii uu ku fashilmay in uu champions league meel fiican geeyo.

Waxana ay sheegeen in ay doonayaan in uu Zidane ku soo laabto France si uu tababare cusub ugu noqdo kooxda PSG xilli ciyaareedka dambe.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada