Messi Oo Xariiqday Goolkiisii 100-aad Ee Champion-ka , Imisa Kullan Ayuu Ku Dhaliyay?.

Messi ayaa kooxdiisa Barcelona ku hogaamiyay wareegga 8-da Champion-ka ka dib markii Camp Nou ay ku dubteen Chelsea oo marti ugu aheyd lugta labaad ee wareegga 16-ka xilli lugtii hore lagu soo kala baxay min hal gool.

Messi ayaa lahaa laba gool oo qeyb ka ah sedexda gool ee ay kooxdiisa ku garaaceen Chelsea xilli goolkii 1-aad uu ahaa kiisii ugu deg degga badnaa aayihiisa Champion-ka , Barcelona iyo qaranka waxa uuna ku dhaliyay 128 il biriqsi

Goolkiisa labaad oo uu si weyn uga farsameystay daafaca Chelsea waxa uu dhaliyay daqiiqaddii 63-aad

Goolkaas labaad ayuu Messi u ahaa kiisi 100-aad ee uu Champion-ka ka dhaliyo ka dib 123 kullan oo uu ka soo muuqday tartankaas ,14 kulan ayuuna ka yar yahay inta uu Ronaldo ku dhaliyay 100-ka gool oo Champion-ka ah.,

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada