Markii Hore Sanchez, Haatana…: Man United Oo Xiddig Khadka Dhexe Ah Oo U Ciyaara Arsenal Doonaya In Ay Sanchez Kula Midoobayso Old Trafford.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay mar kale jabsato kooxda Arsenal iyada oo isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo xiddig khdka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal.

Man United ayaa isku shaandhayn weyn ku samayn doonta kooxdeeda dhamaadka xilli ciyaareedkan xilli uu Jose Mourinho awooda saarayo xoojinta khadka dhexe.

Ramsey ayaa diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa waxana heshiiskiisa haatan ee Gunners uga hartay muddo sanad ah.

Xiddiga ayaa doonaya in si weyn kor loogu qaado mushaharkiisa si uu heshiis cusub u saxiixo taas ayaana ah mid ayna Arsenal diyaar u ahayn.

Jose Mourinho ayaa ka fikiraya in uu xiddiga reer Wales ku xoojiso kooxdiisa marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska Daily Star ayaa sheegaya in uu Tababaraha Man United taageero weyn u yahay qaab ciyaareedka xiddiga waxana uu isku diyaarinayaa in uu 27 jirkan keeno Old Trafford.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada