Mario Balotelli Oo Magacaabay Hal Xiddig Oo Ka Fiican Lionel Messi & Cristiano Ronaldo, Mana Ahan Neymar

Dadka xiiseeya kubada cagta ama khabiirada kala duwan ayaa inta badan xiddiga ugu fiican ku tilmaama xiddigaha Lionel Messi, Cristiano Ronaldo ama Neymar.

Laakiin Mario Balotelli ayaan ka mid ahayn dadkaas waxana uu xiddiga reer Italy si la yaab leh isaga indha tiray xiddigahaas markii la waydiiyay in uu sheego xiddiga ugu fiican adduunka.

Arinta la yaabka ah ayaa ah in xiddiga uu doortay Mario Balotelli in uu u ciyaaro kooxda Barcelona taas oo naxdin ku ah Lionel Messi.

Hadaba ka hor warbixin dheeraad ah waayo xiddiga uu Mario Balotelli u doortay xiddiga ugu fiican adduunka? hagaag waa weeraryahankii uu ka badalay Anfield dabcan waa xiddiga kooxda Barcelona ee Luis Suarez.

Xilli ciyaareedkan 31 jirka reer Uruguay ee Luis Suarez ayaa dhaliyay 24 gool 40 kulan oo uu Barcelona u ciyaaray tartamada oo dhan.

Suarez ayaa kooxda Barcelona ka caawiyay in ay dhibco badan ku hayso horyaalka La Liga iyada oo sidoo kale ciyaari doona wareega 8 dhamaadka tartanka champions League oo ay la ciyaari doonto Roma.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada