Lionel Messi Oo Maamulka Kooxdiisa Ogolaansho U Siiyay In Ay U Dhaqaaqaan Xiddig U Ciyaara Chelsea

Xiddiga Kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa in uu kooxdiisa ogolaansho u siiyay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddig u ciyaara kooxda chelsea marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga.

Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa in uu kooxdiisa ogonaalsho u siiyay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Chelsea ee Marcos Alonso.

Barcelona ayaa wali fursad u haysata in ay xilli ciyaareedkan ku guulaysato saddex koob oo kala ah La Liga, Copa del Rey & Champions League.

Laakiin waxa ay haatanba bilaabeen qorshaha xoojinta ee kooxda ee suuqa kala iibsiga xagaaga si ay xilli ciyaareedka dambe u sii wado ku guulaysiga koobabka.

Daafaca kooxda Bayern Munich ee David Alaba ayaa la aaminsanaa in uu diirada u saaran yahay Ernesto Valverde si uu ugu xoojiyo kooxdiisa.

Laakiin wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ay maamulka Camp Nou dareenkooda u jeediyeen xiddiga kooxda chelsea ee Alonso kadib markii uu Messi ogolaaday in xiddigaas loo dhaqaaqo.

Sida laga soo xigtay wargayska Don Balon Barcelona ayaa aaminsan in uu David Aalab lacag badan ku qaadanayo in uu ka yimaado Bayern.

Waxana ay aaminsan yihiin in ay si dhib yar ku helayaan xiddiga reer Spain ee Marcos Alonso kaas oo qaab ciyaareed fiican ku soo hor dhigay kulankii ay wada ciyaareen champions League.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada