Lionel Messi Oo Haatanba Go,aan Ka Gaaray Maaliyada Uu Coutinho U Xiran Doono Barcelona Xilli Ciyaareedka Dambe

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa la ogaaday Numberka uu la doonayo xiddiga cusub ee kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho sida ay sheegayaan wararku.

Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo Philippe Coutinho dhaxlo maaliyada No.8 ee kooxda Barcelona markuu Andres Iniesta ka tago kooxda.

Coutinho ayaa kooxda Barcelona ku biiray suuqii January markii uu kooxda Liverpool ku qasbay in ay 145 milyan uga iibiso kooxda reer Spain.

Barcelona ayaa heshay saxiixa xiddiga muddo sanad ah markii lala xiriirinayay xiddiga oo ay u aragto badalka mustaqbalka fog ee xiddiga Iniesta.

Coutinho ayaa la wareegi kara booska Iniesta ee shaxda Ernesto Valverde xilli khabiirka reer Spain lala xiriirinayo in uu ka fiirsanayo in uu u dhaqaaqo horyaalka shiinaha.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Messi uu haatanba go,aan ku gaaray in uu Coutinho xirto maaliyada Iniesta ee No.8 hadii uu xiddigu xagaaga ka tago kooxda.

Sida laga soo xiganayo wargayska Don Balon Messi ayaa dareensan in Coutinho qaban karo masuuliyada uu ku buuxin karo booska Andres Iniesta.

Waana sababta uu Lionel Messi doonayo in uu xiddigii hore ee Liverpool tahay in uu u dhaxlo maaliyada Iniesta xagaaga hadii uu kooxda ka tago.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada