Halkee Ayaa La Kala Marayaa Tartanka Loogu Jiro Kabta Dahabka Ah Ee Gool Dhaliyaha Ugu Fiican Yurub

Gool dhalinta tartamada yurub ayaa markii hore lagu yaqaanay mid ka dhexeeya xiddigaha Lionel Messi iyo Cristaino Ronaldo kuwaas oo sanadihii ugu dambeeyay labadodou u tartamayay.

Luis Suarez ayaa wakhti ka dhex galay laakiin xilli ciyaareedkan ayaa ah mid aad uga duwan sanadihii hore marka loo eego xiddigaha u tartamayada kabta dahabka ah ee xilli ciyaareedkan.

Tartanka ayuu ilaa haatan ka dhexeeyaa 9 xiddig kuwaas oo wax yar isku jira oo aan kala fogayn marka laga hadlayo goolasha iyo dhibcaha.

Xiddig ayaa ilaa haatan isku goolal ah isku dhibcona ah kuwaas oo ku jira qaab ciyaareed fiican hogaaminayayan kooxohooda kala duwan.

Leo Messi,Edinson Cavani,Mohamed Salah,Harry Kane Iyo ayaa dhamaantood leh 24 gool oo horyaaladooda kala duwan ah waxana ay leeyihiin 48 dhibcood.

Xiddiga Jonas Gonçalves ayaa dhamaan xiddigaha aan kor ku soo xusnay ka goolal badan isaga oo dhaliyay 31 gool laakiin horyaalka uu ka ciyaaro oo Portugal ah ayaa goolkiiba lagu qiimeeyaa 1.5 sidaas darteed waxa uu leeyahay 46.5 dhibic.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska 9-ka xiddig ee isku baacsanaya kabta dahabka ah ee gool dhaliyaha yurub:

1.Leo Messi – 24 ⚽ (48 dhibcood)

2.Edinson Cavani – 24 ⚽  48

3.Mohamed Salah – 24 ⚽  48

4.Harry Kane – 24 ⚽  48

5.Ciro Immobile – 24 ⚽  48 p

6.Jonas Gonçalves – 31 ⚽  46.5

7.Robert Lewandowski – 23 ⚽  46

8.Luis Suárez – 21 ⚽  42

9.Sergio Agüero – 21 ⚽  42

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada