Gool dhaliyaha Ugu Fiican, Goolhayaha Ugu Fiican & 10 Arimood Oo Aan Wali La Go,aamin Horyaalka La Liga

9 kulan ayaa ka dhiman dhamaadka xilli ciyaareedka horyaalka La Liga waxana ay arimo badan u muuqdaan in la go,aamiyay kooxda Barcelona ayaa hogaaminaysa halka kooxaha Atletico Madrid,Real Madrid iyo Valencia ay ku jiraan booska champions league laakiin waxa jira arimo kale oo aan wali la go,aamin.

 

  1. Kooxaha ka haraya Horyaalka: Afar Kooxood ayaa ku dagaalamaya in ay sii joogaan horyaalka xilli ciyaareedka dambe xilli kooxaha Malaga, Deportivo & Las Palmas ay natiijooyin xun leeyihiin wakhtigii ugu dambeeyay Levante ayaa iyadu haysata laba kulan si ay noolayso rajadeeda.

2.Kaalinta 7-aad: Xilli la go,aamiyay boosaska champions league waxa wali aan la go,aamin boosaska Europe League xilli ciaareedka dambe iyada oo ay jiraan kooxo badan oo u dagaalamaya kuwaas oo kala ah illarreal, Sevilla, Girona, Betis, Getafe, Celta & Eibar.

3.Kaalinta 2-aad: Dagaalka loogu jiro kaalinta 2-aad ayaa wali furan iyada oo kooxaha Real Madrid iyo Valencia ay cadaadiska ku hayaan kooxda Atletico Madrid.

4.Miyay Betis Ka Horayn doontaa Sevilla?: Waxa jira xafiiltan aad u weyn uu u dhexeeya labada kooxood xilli ay sanadihii ugu dambeeyay Sevilla gacanta sare lahayd Betis ayaa shaqo fiican haysa sanadka.

5.Miyay Barcelona ku guulaysan doontaa Horyaal?: Ku guulaysiga Horyaalka ee Barceona ayaa ka xiga 5 kulan ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkan in horyaalka Lagu guulaysto iyaga oo 9 kulan ka harsan yihiin ayaana dhacda 9 jeer 5 jeer Real ayaa ku guulaystay 4 jeerna Barcelona, waxa wli jira 27 dhibcood oo la ciyaari doono.

6.Kaliya 2 kooxood ayaa horaaylka ku guulaystay bilaa guuldaro: Barcelona ayaa noqon karta kooxdii saddexaad ee bilaa guuldaro ku dhamaysatay horyaalka La Liga marka laga yimaado kooxaha Athletic Club (1929/30) & Real Madrid (1931/32).

7.Barcelona oo Isha Ku haysa rikoorkii Real Sociedad: Real Sociedad ayaa ku guulaysatay in ayna 32 kulan wax guuldaro ah la kulmin xilli ciyaareedkii 1979/80 kooxda Ernesto Valverde ayaana 3 kulan u jira in ay bar-barayso.

8.Abaalmarinta gool dhalinta horyaalka ee Pichichi: Waxa ay u muuqatay in uu Lionel Messi ku guulaysan doono abaalmarinta xilli ciyaareedkan bilowgii xilli ciyaareedka laakiin Qaab ciyaareedka cajiibka ah ee uu Cristiano Ronaldo ku jiro haatan ayaa dib u furay tartanka.

9.Abaalmarinta Goolhayaha shabaqiisa inta ugu badan ilaaliyay ee Zamora: Goolhayayaasha Ter Stegen & Oblak ayaa ah labada goolhaye ee ku dagaalamaya abaalmarinta maadama laga dhaliyay goolasha ugu yar, Goolhayaha Barcelona ayaa laga dhaliyay 13 gool halka Goolhayaha Atletico laga dhaliyay 14.

10: Girona Oo noqon karta Kooxdii Ugu Fiicnayd Ee Abid qaab fiican soo bandhigtay sanadkeeda ugu horeeya La Liga: Girona ayaa u muuqata in ay dhaafi doonto rikoorkii kooxda Albacete ee xilli ciyaareedkii 1991/92 taas oo ku dhamaystay kaalinta 7-aad kadib 14 kulan oo ay badisay.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada