Eden Hazard Oo Thibaut Courtois Ku War Galiyay In Ay Chelsea Ku Dhawdahay In Ay Dhamaystirto Saxiixeedii Ugu Horeeyay Laakiin Hal Dhibaato Jirto

Xiddiga kooxda chelsea ee Eden Hazard ayaa lagu soo waramayaa in uu goolahayaha ay isku xulka yihiin ee Thibaut Courtois in ay kooxda chelsea ku dhawdahay in ay dhamaystirto saxiixeedii ugu horeeyay ee xagaaga laakiin ay hal dhibaato jirto.

Eden Hazard ayaa goolhaye Thibaut Courtois ku war galiyay in ay chelsea ku dhawdahay in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga kooxda Real Madrid ee Isco laakiin ay hal dhibaato jirto.

Chelsea ayaa soo bandhigtay xilli ciyaareed niyad jab leh iyada oo khatar ugu jirta in ay seegto champions league xilli ciyaareedka dambe.

Waxa ay haatan 5 dhibcood ka dambaysaa kooxda kaalinta 4-aad ee Tottenham xilli 8 kulan oo kaliya ka harsan yihiin dhamaadka xilli ciyaareedka.

Ku fashilanka ay ku fashilanto in ay u soo baxdo champions league ayaa khatar galinaysa in ay waydo xiddigeheeda ugu fiican xagaaga.

Xiddigaha Hazard iyo Courtois ayaa labadoodaba si weyn loola xiriirinayay kooxda Real Madrid bilihii ugu dambeeyay.

Laakiin waxa ay u muuqataa in ay Blues doonayso in ay xiddig kala soo wareegto kooxda Los Blancos.

Wargayska Diario Gol ayaa shegaya in ay chelsea doonayso saxiixa xiddiga Isco iyada oo xiddiga reer Spain u aragta badalka Eden Hazard kaas oo Coutois u sheegay in uu ku biirayo kooxda Real Madrid.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada