Dib U Eegid: Xog Muujinaysa In Ay Chelsea Ku Guulaysan Karto FA Cup-ka Oo La Helay

Kooxda chelsea ayaa iska xaadirisay wareega semi-finalka tartanka FA Cup-ka kadib markii ay kooxda Leicester city ku garaacday 2/1 kulan ka dhacay garoonka King Power Stadium.

Blues ayaa ku rajo weyn in ay qaado FA Cup-ka si ay ugu badbaadiso xilli ciyaareedkan kadib markii ay ka hartay taratamadii kale oo dhan.

Laakiin guusha ay kulankan ka gaartay ayaa rajo ka siisay in ay xilli ciyaareedkan ku guulaysan karto tartanka FA Cup-ka marka loo eego taariikhda.

Saddexdii jeer ee hore ee ay kooxda chelsea wajahday Leicester city kana reebtay tartanka FA Cup waxa ay ku dambaysay in ay ku guulaysato koobka.

Xilli ciyaareedyadii 1997,2000 iyo 2012 ayay dhamaantood wareega 8 Dhamaadka la kulantay Kooxda Leicetser city taas oo ay ka reebtay tartanka ugu dambayn kor u qaaday koobka FA Cup-ka.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada