Dib U Eegid: Liverpool, Salah, Mane & 4 Xog Oo Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Reds Guusha Ka Gaartay Crystal Palace

Kooxda Liverpool ayaa guul qiimo leh ka gaartay kooxda Crystal Palace kulan ka dhacay garoonka Selhurst Park kana tirsanaa todobaadkii 32-aad ee xilli ciyaareedkan.

Sadio Mane iyo Mohamed salah ayaa Reds ka caawiyay in ay saddexda dhibcood ku shubato dhibacaha halka ay sidoo kale ka caawiyeen in ay 10 dhibcood ka horayso kooxda kaalinta 5-aad ee chelsea.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xog muhiim ah oo laga diwaan galiyay kulanka ay Reds guusha ka gaartay kooxda Crystal Palace.

Liverpool: Reds ayaa haatan dhalisay 679 gool kulmada ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda waana kooxda ugu badan ee sidaa samaysay iyada oo la bar-baro ah kooxda Arsenal.

Sadio Mane: Mane ayaa noqday xiddiga ugu goolasha badan ee xiddig ka soo jeeda Senegal ee taariikhda horyaalka premier League isaga oo dhaliyay 43 gool isaga oo la bar-bareeyay xiddigii hore ee Demba Ba.

Mohamed Salah: Salah ayaa bar-bareeyay rikoor ay dhigeen xiddigaha Robin van Persie 2012-13 & Cristiano Ronaldo 2007-08 isaga oo dhaliyay 21 gool oo kala duwan xilli ciyaareed kaliya.

Mohamed Salah: Xiddiga reer Egypt ayaa haatan ka goolal badan ama la goolal ah 9 kooxood oo ka ciyaarta horyaalka premier League kuwaas oo kala ah Brighton (28), Burnley (27), Swansea (25), Huddersfield (25) & West Brom (24),Southampton (29), Stoke (29), Crystal Palace (30) & Newcastle (30).

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada