Dib U Eegid: Kooxda Chelsea Oo Rikoor Xun Oo Ku Cusub Premier League Kala Baxday Kulankii Man City

Kooxda chelsea ayaa guuldaro xanuun kulul kala kulantay kooxda Man city kulan ka tirsanaa horyaalka premier league todobaadkiisii 29-aad kulan ka dhacay Etihad.

Gool uu dhaliyay Bernardo ayaa Man city ka caawiyay in ay gaarto guul muhiim ah oo ka caawisay in ay 18 dhibcood ku qato hogaanka horyaalka premier League.

Kooxda chelsea ayaa rikoor aan fiicnayn oo gali doona taariikda premier League kala baxday kulanka marka laga yimaado guuldarada soo gaartay.

Xiddigaha Antonio Conte ayaan ciyaarta min bilow ilaa dhamaad wax laag ah ku laagin goolka kooxda Man city taas oo ah rikoor ku cusub premier League.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada