Yaa U Baahan Aubameyang! Michy Batshuayi Oo Muujiyay In Ayna Chelsea Siin Fursad Ku Filan, Durba Akoonka Goolasha Dortmund Ayuu Furtay Imis Ayuu Dhaliyay?

Weeraryahanka reer Belguim ee Michy Batshuayi ayaa durba taageerayaasha Borussia Dortmund ilowsiiyay bixitaankii Aubameyang kadib guul uu ku hogaamiyay kooxdooda kulan ka tirsanaa horyaalka Germany.

Michy Batshuayi ayaa laba gool ku furtay akoonkiisa goolasha kulan ay Dortmund ka badisay kooxda Cologne kana tirsanaa horyaalka Geramny.

Xiddigan ayaa sidoo kale kooxda chelsea durba u muujiyay in ayna fursad ka siin kooxda reer London si uu isku muujiyo isaga oo muujiyay in ay ka shalayn doonaan in ay ka doorteen Giroud.

Batshuayi ayaa gool dhalinta furay daqiiqadii 35-aad isaga oo kooxdiisa u dhiibay hogaanka horyaalka ka hor inta uuna daqiiqadii 60-aad dhhalin goolka 2-aad.

Xiddiga ayaa waliba dhaliyay gool 3-aad daqiiqadii 44-aad lakiin waxa looga diiday Offside uu ku jiray ka hor inta uuna goolka dhalin.

Batshuayi ayaa Dortmund ka caawiyay in ay kaalinta 6-aad ka tagto si ku meeel gaar ahna u gasho kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka Geramny.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply