Xiddigii Hore Ee Liverpool Ee Philipp Degen Oo Tilmaamay Arinta Furaha U Ah Qaab Ciyaareedka Mohamed Salah

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Philipp Degen ayaa tilmaamay halka arin ee furaha u ah qaab ciyaareedka waalida ah ee uu soo bandhigay xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed salah kaas oo si joogto ah qaab ciyaareed waali ah u soo bandhiga tan iyo markii uu xagaagii kaga soo biiray kooxda Roma.

Philipp Degen ayaa sheegay in tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp uu qayb muhiim ah ka yahay qaab ciyaareedka waalida ah ee uu Mohamed salah ku bilowday noloshiisa Premier League.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Masar ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay 29 gool 35 kulan oo uu saftay kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Southampton.

Salah ayaa Merseside ku qaatay bilo cajiib ah isaga oo 3 sano ka hor ku dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo kooxda chelsea.

Xiddiga ayaa ugu horayntii Chelsea ugu soo biiray isaga oo da,yar ah isaga oo kaga soo biiray kooxda Basel laakiin waxxa uu ku dhibaatooday in uu u ciyaaro kooxda chelsea.

Laakiin Klopp ayaa haatan salah ka soo saaray qaab fiican isaga oo ka mid ah xiddigaha garabaha ka ciyaara ee ugu fiican haatan.

Degen oo 3 sano ku qaatay Liverpool ayaa aaminsan in Tababaraha reer Germany ee Jurgen Klopp uu xoriyad u siiyay Salah garoonka sida ugu fiicana ugu ciyaaro kulamada.

“Fekerkeyga, Klopp ayaa fure u ah qaab iyaareedka Mo,” ayuu u sheegay Sky Sports.

“Waa dhiiri galiyo doonaya in uu ciyaaro kubad weerar ah oo waliba orod leh waana kubada uu mohamed salah u baahan yahay”.

“Waxa aan aaminsanahay in uu u qaaday heer kale”.

“Waa wax fiican in aad aragto sida uu u korayo waayo waa qof fiican”.

“Mar walba dhoola cadeeya oo fursan, waad la kaftami kartaa isaga”.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply