Xiddigaha Fursadaha Ugu Badan Khasaariyay Premeir League Oo La Soo Saaray & Salah,Kane & Aguero Oo Hogaaminaya

Xiddiga Kooxda Liverpool ee Mohamed salah ayaan kaliya xilli ciyaareedkan dhigin rikooro fiican oo la amaano laakiin xiddiga reer Egypt ayaa sidoo kale hogaaminaya rikoor aan fiicnayn oo horyaalka premier league ah xilli ciyaareedkan.

Salah ayaa ah xiddiga 2-aad ee ugu goolasha badan horyaalka Premier league xilli ciyaareedkan isaga oo hal gool oo kaliya ka dambeeya xiddiga kooxda Tottenham ee Harry Kane kaas oo leh 23 gool.

Mo Salah ayaa sidoo kale ah xiddiga ugu fursadaha khasaarinta badan isaga oo kaalinta 1-aad kula jira xiddiga kooxda Crystal Palace ee Christian Benteke iyaga oo labadooduba khasaariyeen 18 fursadood oo gool loo filanayay.

Waxa kaalinta 3-aad ku jira ila xiddiga hogaaminaya gool dhalinta horyaalka premier leaugue ee Harry kane oo isaguna khasaariyay 14 fursadoo oo gool loo filan karo isaga oo uu weheliyo xiddiga kooxda Chelsea ee Alvaro Morata oo isna 14 fursadood khasaariyay.

Xiddiga kooxda Man City ee Sergio Aguero ayaa sidoo kale khasaariyay 12 fursadood oo gool loo filan karo isaga oo ay isku mud yihiin xiddiga kooxda Arsenal ee Alexadre Lacazette oo khasaaryay 12 fursadood.

Halkan Hoose Kaga Bogo 10-ka Xiddig Ee Fursadaha Ugu Badan Khasaariyay Xilli Ciyaareedkan:

 

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply