Xiddiga Sida Weyn Loola Xiriirinayo Man United Ee Patrick Kluivert Oo Tilmaamay 4 Kooxood Oo Premier League Ah Oo Uu U Ciyaari Lahaa- Muuxse Ka Yiri Real & Barca

Xiddiga da,yarka ah ee aadka loola xiriirinayo kooxda Man United ee Patrick Kluivert ayaa qirtay in uu u dhaqaaqi karo horyaalka Premier league.

18 jirka reer Holland ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay todobaadyadii ugu dambeeyay isaga oo dhaliyay 6 gool oo horyaalka Holland ah ilaa haatan.

Kluivert ayaa lala xiriirinayay kooxda Man United gaar ahaan markii lagu arkay isaga oo si gaar ah ula hadlaya tababaraha Man United ee Jose Mourinho dhamaadkii kulankii Finalkii Europe League.

Inkasta oo uu qirtay in uu qorshaynayo in uu sii joogo Holland hadana waxa uu albaabka u furay in uu mar ka ciyaaro horyaalka premier league.

Kluivert Ayaa kooxda Ajax kula jira heshiis dhacaya ilaa 2019 waxana uu kooxda kula jiraa wadahadalo uu heshiis cusub ugu saxiixayo.

“England way isoo jiidataa, Arsenal, Tottenham, Chelsea ama Manchester United waa kooxo waa weyn oo aan arko nafsad ahaanteyda inaan ka ciyaaro dhowr sano” ayuu u sheegay Helden.

“Haddii aad hesho dalab fiican, marnaba ma ogid.”

Kluivert ayaa sidoo kale diiday inuu meesha ka saaro inuu u dhaqaaqayo Spain si uu midkood ugu biiro Real Madrid iyo Barcelona halkaas oo uu aabihiis ku qaatay 6 sano.

“Meel walba oo aan tago dibada, waxa ay garanayaan aabahay waxa uu badanaa i weydiiyaa in aan Barcelona Tago, waxa aan mar ku tagi doonaa Dalxiis Camp Nou”

“Runtii waxaan doonayay inaan aado Barcelona halkii aan ku biiri lahaa Real Madrid, Barcelona waa qalbigeyga, lakiin kuma ayaan ahay marka aan Maya Ku Oranayo Real Madrid”.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply